Talyaaniga oo laga xaqiijiyay in ka badan 1,500 oo ah kiisaska cusub ee COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay inay 24 saacadood gudahood diiwaangelisay xaalado cusub oo coronavirus oo gaaraya 1,501 .
Waxaa sido kale gudaha wadankaas cudurka COVID19 ugu dhimatay 6 qof oo dheeraad ah.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee Talyaaniga ayaa hadda ah ugu yaraan 286,000 halka dhimashadu ay tahay 35,603 .
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in kiisaska coronavirus ay kordheen lixdii isbuuc ee ugu dambeeyay.
Waxaa xaaladahan inta badan laga helay muwaadiniinta Talyaaniga ee ka soo laabtay safarro ay ku tageen dibadda dalkaas.
Sido kale tirada dadka uu cudurka soo ritay ee ku jira qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da oo ahayd 121 ayaa gaartay 182.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here