Tan iyo Bishii Agoosto Kiisaski ugu badnaa ee Corona oo Kenya maanta laga diiwangaliyay

604 xaaladood oo ah Covid-19 ayaa laga xaqiijiyay dalkani Kenya maanta waana tiradii ugu badneyd tan iyo bishii Agoosto ee sanadkaan.
Kiisaska guud ayaa gaaray 42,541.
Waxaa ka caafimaaday 88 qof taas oo bogsashasda guud ka dhigaysa 31,428, halka 10 bukaan ay u geeriyoodeen , dhimashada guud waxay Maraysa 797.
Ismaamulada laga diiwangaliyay xaaladaha maanta waxaa ka mid ah:
Nairobi (125), Nakuru (113), Mombasa (87), Busia (35), Uasin Gishu (33), Trans Nzoia (25), Kiambu (25), Kisii (24), Kisumu (24), Kajiado (16), Nandi (13), Kakamega (12), Meru (11), Machakos (7), Siaya (7), Garissa (7), Murang’a (5), West Pokot (5), Nyeri (5), Turkana (4), Laikipia (3), Wajir (3), Embu (2), Kirinyaga (2), Narok (2), Marsabit (2), Taita Taveta (2), Kitui (1), Nyamira (1), Tharaka Nithi (1), Kilifi (1) and Nyandarua (1).
Kiisaska maanta dalka laga diiwangaliyay 583 ayaa Kenyaan ah halka 21 ay yihiin dad ajaanib ah waxaana u da’yar 5 bilood waxaana u da’ weyn 94.
400 waa rag halka 204 ay yihiin dumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here