Tan iyo bishii Maarso in ka badan 500 oo qof oo Kenya ugu dhimatay Corona Virus

Saraakiisha caafimaadka ee dalka ayaa maanta xaqiijiyay 19 dhimasho ah oo xariirta Corona Virus taas oo kor u qaaday dadka u dhimanayo viruskan Kenya.
Dhimashada guud ayaa hadda marays 506.
Dadka u noloshoodu galaafatay cudurkan ayaa badankoodu waxaa ay qabeen xanuuno kale.
Xog’hayaha maamulka caafimaadka dalka u qaabilsan Mercy Mwangangi ayaa xaqiijisay in dalka laga diiwangaliyay 379 kiis oo dheeraad ah.
Wadar ahaan xaaladaha Corona Virus Dalka ayaa hadda gaartay tan iyo bishii Maarso 31, 015.
Si kastaba ahaate waxaa sii kordhaysa tirade dadka ka caafaimaadayo ka dib markii maanta la xaqiijiyay in 244 bukaano ah ay ka soo kabsadeen COVID-19 taas oo bogsashada guud ka dhigaysa 17,612 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here