Tanzania oo ay doorasho ka dhacaysa

Shacabka dalka Tanzania ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho iyadoo uu jiro walaac laga qabo dimuqraadiyadda.
Madaxweynaha hadda talada haya John Magufuli ayaa doonaya in mar labaad uu Tanzania hoggaamiyo.
Kormeerayashaa doorashooyinka ayaa sheegaya in kastoo Tanzania ay in muddo ah xasilooni ka jirtay haddana in tan iyo markii uu Magufuli xilka qabtay inay jireen howlgallo ka dhan ah mucaaradka.
Xisbiga uu madaxweynaha ka tirsan yahay ee CCM ayaa Tanzania hoggaanka u hayaya tan iyo sannadkii 1961-dii.
Waxaa madaxweyne Magufuli tartan kula jiro ilaa 15 musharax oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here