Tanzania oo lagu qabtay foolasha maroodiga

Wasaaradda arrimaha dalxiiska ee dalka Tanzania ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay foolasha maroodiga oo la rumeysanyahay in laga helay ugu yaraan 117 maroodi ah oo la dilay.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada dowladda wadankaasi ay ugu jirto la dagaalanka ganacsiga sharci darrada ee lagu ugaarsado duurjoogta.
Tirada maroodiga Tanzania ayaa sannadihii ugu dambeeyay ugaarsiga jiro oo sarreeya awgii hoos u dhacday.
Tusaale sannadkii 2009-kii waxaa tiradaasi lagu sheegay 110,000 halka 2009 halka 2014-kii la diiwaangeliayay 43,000.
Foolasha maroodiga ayaa si qarsoodi ah loogu iibgeeyaa wadamada qaaradda Aasiya .
Wasiirka dalxiiska iyo kheyraadka dabiiciga ee Tanzania Hamisi Kigwangalla ayaa bartiisa twitarka ku sheegay inay laamaha ammaanka sido kale xireen eedeysane lagu magacaabo Xassan Shaban Likwema oo isugu yeero Xassan Nyoni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here