Tanzania oo xaqiijisay qofkii ugu horreeyay ee u dhintay cudurka Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaadday in qofkii ugu horreeyay uu u dhintay cudurka Covid-19 ee uu sababi caabuqa Coronavirus.
Warbixin ay soo saartay Wasiirada caafimaadka ee dalka Tanzania Ummy Mwalimu ayay ku sheegtay in qofka cudurka u dhintay uu ka yahay muwaadin waxaa uuna qabay xannuuno kale.
Waxay dhanka kale dadweynaha dalkaas ku boorisay in ay taxaddaraan si looga hortago faafitaanka cudurka isla markaana cidii isku aragta astaamo la xiriiro sida nefsashada oo qofka dhibta ay tagaan xarunta ugu dhow ee caafimaad.
Dhanka kale afhayeen u hadlay qoyska qofka dhintay ayaa sheegay in la aasi doono goor dambe oo maanta ah iyadoona kaliya aaska ay ka soo qeyb geli doonaan tiro yar oo ka tirsan xubanaha qoyska.
Dowladda dalkaasi ayaa joojisay kulamada bulshada waxayna amartay in la xiro dugsiyada iyo kulliyadaha jaamacadaha.
Waxaa ila iyo haatan dalkaasi laga xaqiijiyay 19 kiis iyadoona mid kamid ah uu cudurka ka bogsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here