Tayada waxbarashada Soomaaliya oo sare loo qaadayo

Wasiirlu-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada ay wasaaraddu gacanta ku heyso ee dowlada Soomaaliya hoos taga.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xasan Yuusuf iyo Agaasimaha Dugsiyada dowlada ee Magaalada Muqdisho ku yaala.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud (Jaabiri)ayaa xubnaha ka socday dugsiyada ay maamusho dowladda dhexe kulanka ugu dhageystay Baahiyaha waxbarashada ee ayq abaan iyo sida loo sii dar dar galin karo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya.
Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta Soomaaliyeed, si loo horumariyo waxbarashada wadanka iyo Mustaqbalka Jiilka danbe ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here