Thailand oo diiwaangelisay 7 kiis oo cusub oo ah coronavirus

Dowladda Thailand ayaa maanta oo khamiis ah shaacisay in la xaqiijiyay 7 kiis oo dheeraad oo la xiriira caabuqa coronavirus.
Kiisaska guud ee wadankaas laga diiwaangeliyay ayaa hadda ah 2,954.
Gudaha Thailand lagama soo tabin dhimasho hor leh waxayna weli tirada dadka ee cudurka u dhintay tahay 54.
Sido kale ku dhawaad boqolkiiba 91 ee bukaannada ayaa cudurka ka bogsaday oo loo ogolaaday inay guriyahooda dib ugu laabtaan.
Afhayeenka xarunta qaabilsan maareynta cudurka covid-19 ee Thailand Taweesin Wisanuyothin, ayaa sheegay in 213 qof ay weli isbitaallada ku jiraan oo la daaweynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here