Thailand oo diiwaangelisay 9 kiis oo cusub oo coronavirus ah

Dowladda dalka Thailand ayaa maanta oo Arbaco ah shaacisay in la xaqiijiyay kiisas dheeraad oo la xiriira caabuqa corona oo gaaraya 9.
Tani ayaa tirada guud ee ilaa iyo hadda halkaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 3,054.
Hasa ahaate wadankaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagama soo tabin dhimasho dheeraad ah waxayna weli tirada dadka ee cudurka covid-19 ugu nafwaayay gudaha Thailand tahay 57 qof.
Kiisaskan cusub ee la xaqiijiyay ayaa ah muwaadiniin ku jiray karantiil kaddib markii ay dhawaan ka soo laabteen safari ay ku tageen Maraykanka, Qatar iyo Sacuudi Carabiya.
Afhayeenka guddiga loo xilsaaray arrimaha coronavirus ee wadankaas Taweesin Wisanuyothin ayaa sheegay inay cudurka ka bogsadeen 2,931 oo bukaan ah tan iyo markii dalkaas lagu arkay kiisaska fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here