Thailand oo laga diiwaangeliyay 8 kiis oo cusub oo Coronavirus

Dowladda dalka Thailand ayaa sheegtay inay xaqiijisay xaalado cusub oo dhan 8 kuwaasoo la xiriira caabuqa corona.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska halkaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 3,112.
Hasa ahaate 24-kii saacadood ee la soo dhaafay gudaha Thailand lagama soo tabin dhimasho cusub oo ka dhalatay cudurka Covid-19.
Tan iyo bishii koobaad ee sannadkan waxaa gudaha wadankaas cudurka ugu dhintay 58 qof.
Ku xigeenka afhayeenka xarunta la tacaasha Covid-19 ee Thailand Panprapa Yongtrakul ayaa sheegtay in xaaladahan laga helay dad karantiil ku jiray oo dhawaan ka soo noqday dibadda wadankaasi.
5 qof waxay ka soo laabteen isku tagga imaaraadka carabta , laba ka soo noqotay Kuwait iyo mid ka yimid dalka India .
Mrs. Yongtrakul ayaa hoosta ka xarriiqday in muddo 13 cisho ah aan dhimasho la xiriirta Covid-19 laga diiwaangelin gudaha Thailand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here