Thailand oo laga diiwaangeliyay saddex kiis oo coronavirus ah

Dowladda dalka Thailand ayaa xaqiijisay xaalado cusub oo la xiriira coronavirus oo gaaraya saddex.
Tani ayaa ku soo aadday kaddib 28 cisho oo aan wadankaas laga soo tabin fayras si maxalli ah la isugu gudbiyay.
Dhammaan kiisaskan cusub waxaa laga helay dad dhawaan ka soo laabtay safarro dibadeed.
Afhayeenka guddiga dowladda Thailand u qaabilsan xakameynta faafitaanka cudurka Covid-19 ,Taweesin Wisanuyothin ayaa sheegay in saddexda qof ay yihiin muwaadiniinta wadankaas oo safar ku tagay India.
Thailand ilaa iyo hadda waxaa cudurka Covid-19 ugu dhintay 58 qof waxaana laga xaqiijiyay xaalado dhan 3,151.
Sido kale waxaa gudaha wadankaas cudurka kaga caafimaaday bukaan dhan 3,022 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here