Thailand oo laga diiwaangeliyay saddex kiis oo coronavirus ah

Dowladda Thailand ayaa maanta sheegtay inay xaqiijisay saddex xaaladood oo cusub oo ah coronavirus.
Tirada kiisaska guud ee ilaa iyo hadda halkaas laga soo tabiyay ayaa ah 3,045 .
Gudaha Thailand lagama soo sheegin dhimasho hor leh waxayna tirada dadka cudurka covid-19 ugu dhintay wadankaas weli tahay 57 qof halka dadka ka bogsaday ay yihiin 2,929 .
Afhayeenka guddiga loo xilsaaray arrimaha coronavirus ee Thailand Taweesin Wisanuyothin ayaa sheegay in saddexda qof ee cudurka laga helay ay yihiin muwaadiniin dhawaan ka soo laabtay safar ay dibadda dalkaas ku tageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here