Thailand oo laga soo tabiyay 122 oo ah kiisaska cusub ee Coronavirus

Dowladda Thailand ayaa sheegtay inay diiwaangelisay 122 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka dadweynaha ee wadankaas Taweesin Wisanuyothin, ayaa sheegay in ilaa iyo hadda kiisaska cudurkan ee Thailand lagu arkay ay yihiin 721.
Gudaha Thailand waxaa laga diiwaangeliyay hal kiis oo dhimasho oo keliya.
Sido kale waxaa cudurka daaweyn kaddib ka bogsaday 52 bukaan, 668 kalena weli isbitaallada ayaa lagu dabiibaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here