Thailand oo laga xaqiijiyay 11 xaaladood oo cusub

Dowladda Thailand ayaa sheegtay inay xaqiijisay kiisas cusub oo coronavirus oo gaaraya 11.
Tani ayaa tirada guud ee halkaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 3,065.
Hasa ahaate lama soo tabin dhimasho hor leh waxayna weli tirada dadka ee cudurka covid-19 ugu nafwaayay gudaha wadankaas tahay 57 qof.
Sido kale waxaa cudurka halkaas kaga bogsaday 2,945 qof.
Kiisaska coronavirus ee laga xaqiijiyay Jarmalka waxaa ku kordhay 353 waxayna gaareen 179,717.
Dhimashada waxaa ku kordhay 62 waxayna tahay 8,411.
Guud ahaan caalamka waxaa uu cudurka haleelay in ka badan 5.68 milyan waxaana u dhintay ugu yaraan 355,575 halka 2.4 milyan ay ka caafimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here