Thailand oo laga xusaya xasuuq arday loo gaystay

Waxaa dalka Thailand lagu qabtay munaasabad lagu xusuusanayo xasuuqii ay sannadkii 1976-dii ciidamada dowladda u gaysteen arday.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo waayadii dambe ay kordheen dibadbaxyada ay ardaydu hor kacayaan.
Wichian Visutanakon oo ka mid ahaa dadkii dhibaatadaas ka badbaaday oo hadda 64 sano jir ah ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in dadkii xasuuqaas gaystay aynan weli ka shallayn tallaabadii ay qaadeen.
6-dii bishii Tobnaad ee sannadkii 1976 ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay weerareen 2,000 oo ahaa arday dhigayay mudaharaad dimuqraadiyadda la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here