Thailand oo looga dhawaaqay xaalad degdeg ah

Dowladda dalka Thailand ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah si loo soo afjaro dibadbaxyo ay arday hoggaaminayaan oo bilooyin taagnaa.
Mudaharaadyada ayaa saddexdii bilood ee ugu dambeysay lagu dalbanayay isbeddelo dhanka hoggaanka iyo inuu xafiiska baneeyo ra’iisul wasaare Prayuth Chan-ocha.
Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale xiray ugu yaraan 20 qof oo u ololeeya arrimaha dimuqradiyadda iyo labo ka mid ah horjoogayaashii dibadbaxyada.
Maamulka talada haya ee Thailand ayaa dhanka kale mamnuucay in 5 qof iyo wax ka badan ay hal meel isugu tagaan.
Sidoo kale waxaa mamnuuc ah in la baahiyo ama la soo daabaco wararka iyo fariimaha wax u dhimaya amniga waddankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here