Thailand oo xaqiijisay 5 kiis oo cusub

Wadanka Thailand ayaa laga diiwaangeliyay xaalado hor leh oo coronavirus oo dhan 5.
Waxay tani imaanaysa kaddib 25 cisho oo aan halkaas laga soo tabin kiis si maxalli ah la isugu gudbiyay.
Kiisaskan cusub ayaa laga helay dad ku jiray goob karantiil ah kaddib safar ay dhawaan kaga soo laabteen boqortooyada Sacuudi Carabiya sida laga soo xigtay afhayeenka guddiga Thailand ee qaabilsan la tacaalidda cudurka Covid-19 Taweesin Wisanuyothin.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Thailand xanuunka ugu dhintay 58 qof.
Waxaa uu haleelay 3,146 halka ay ka bogsadeen 3,008 oo tiradan ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here