Tijaabinta daawada corona oo dib loo billaabaya

Waxaa lagu wadaa in dib loo billaabo tijaabo ku aaddan in daawooyinka lagula tacaalo duumada ama malaariyada looga hor tagi karo cudurka COVID19.
Tijaabadan ayaa ah mid heer caalami ah.
Waxaa la eegaya in cudurka dunida sameeynta ba’an ku yeeshay lagula dagaalami karo daawooyinka kala ah hydroxychloroquine iyo chloroquine.
Qorshahan ayaa dib u billaabanaya kaddib markii ay ansaxiyeen maamullada xakameeya isticmaalka daawooyinka ee Ingiriiska.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO , Tedros Adhanom uu sheegay in cudurka sii faafaya ee COVID19 uunan mar dhow dhamaan doonin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu jiro horumar la sameeyay .
Madaxa WHO ayaa xusay in kastoo wadamada kala duwan ee caalamka ay dadaalayaan in haddana fayraska uu si xowli ah ku sii fidaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here