TikTok oo qiratay inay bixisay muuqaal lagu dhaliilay Shiinaha

Maareeyaasha ablikeeshinka TikTok ayaa qirtay inay si ku meel gaar ah u bixiyeen muuqaal aad loo faafiyay.
Muuqaalkaasi ayaa lagu dhaliilay bartilmaameedsi dowladda Shiinaha la sheegay inay ku hayso muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang.
Shirkaddan ayaa sido kale tallaabada ay qaadday ka raaligelisay gabadhii iska duubtay oo u dhalatay Maraykanka.
Muuqaalkan waxaa daawaday ilaa 1.6 milyan oo qof.
Feroza Aziz oo 17 sano jir ah ayaa fidiyoowga ku billaabaysa inay sharaxdo qeyb ka mid ah isqurxinta balse waxay u weecanaysa inay dhaliisho xabsi geynta bulshada Uighurs iyo qowmiyadaha kale ee laga tirada badan yahay ee dhinaca waqooyiga galbeed ee Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here