Tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus guud ahaan caalamka oo gaarty in ka badan 27,000

Dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo tabisay tiradii ugu badned ee dhimashada cudurka Corona Vurus ooh al maalin kaliya Waxaana ay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay geeriyoodeen 919 qof.
Dhanka kale, dalka Spain waxay diiwaangelisay 769 dhimasho cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka in ay gaartay 4,858 oo qof.
Tirada dadka uu ku dhacay cudurka ‘coronavirus’ ee dalka Mareykanka ayaa gaartay in ka badan 104,000 subaxnimadii Sabtida, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,700, taasoo dhimashada adduunka ka dhigaysa 27,360.
Kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika ayaa haatan gaaray in ka badan 3000 oo kiisas, dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka ugu badan kiisaska.
Wuxuu dalkaas lagu soo rogay banddow 21 maalmood ah si looga hortaggo cudurka Covid 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here