Tirada dadk a uu soo ritay cudurka Coronavirus guud ahaan caalamka oo kor u kacday

In ka badan 472,000 oo qof guud ahaan caalamka ayuu soo ritay cudurka COVID-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus.
Waxaa cudurka ka bogsaday dad tiro ahaan kor u dhaafaya 114,000 halka in ka badan 21,000 oo qof ay u dhinteen.
Dalka Spain ayaa waxaa 24-kii saacaood ee las oo dhaafay cudurkan ugu dhintay dad gaaraya 700 waxaa dalkaas noqday midka labaad ee saameeynta ugu badan ay ka soo gaartay cudurka marka laga reebo Taliyaaniga.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Indonesia ayaa xaqiijisay 103 kiis oo cusub oo ah cudurka Coronavirus taas oo tirada guud ka dhigaysa 893.
Sido kale waxaa jiraa 20 dhimasho ah waxayna tirada dadka ugu dhintay COVID-19 dalkaasi hadda maraysa 78, waxaana kasoo kabtay 35.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegtay In kiisas cusub oo dhan 71 la arkay iyo dhimashada 7 qof.
Waxay tirada dadka uu ku dhacay cudurkan dalkaasi gaartay 707 halka dhimashada ay tahay 45.
Guddiga qaran ee caafimaadka dalka Shiinaha ayaa sheegay in ay jiraan 6 dhimasho ah iyo 67 kiis oo cusub balse aan ahayn gudaha dalka oo ay dibadda ka yimaadeen.
Caasimada Ruushka ee Moscow ayaa waxaa la xiri doonaa dhammaan dukaamada waxaana furnaan doono oo keliya goobaha caafimaadka iyo dukaamada waaweeyn ee lagama maarmaanka ah.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska Matt Hancock ayaa sheegay inay jiraan 560,000 oo qof kuwaas oo si iskood ah isku soo saaray si ay u caawiyaan saraakiisha caafimaadka ee la tacaalaya cudurka Coronavirus.
Militiriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay bilaabi doonaan hawlgalo ay si amar ah isbitaalada ugu kaxeeyn doonaan bukaanada iyo inay ka hor tagi doonaan dhaqdhaqaaqyada dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here