Tirada dadka cudurka Covid-19 ugu dhintay iiraan oo korortay

Tirada dadka cudurka Covid-19 ugu dhintay gudaha dalka Iiraan ayaa waxaa ku kordhay 91 waxayna hadda gaartay 5,209 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka wadankaas.
Kiisaskan ayaa la diiwaangeliyay 24-tii saac ee la soo dhaafay.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Iiraan Kianush Jahanpur ayaa dhanka kale sheegay in kiisaska caabuqa Coronavirus ee la xaqiijiyay ay gaareen 83,505.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here