Tirada dadka cudurka duumada ugu dhintay Baringo oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ismaamulka Baringo ugu dhintay cudurka duumada ama malaariyada taasi oo ilaa iyo hadda gaartay 8 qof.
Waxaa isa soo taraya baaqyada ku aaddan in la soo caawiyo ee ay jeedinayaan mas’uuliyiinta iyo shacabka ismaamulkaasi.
Cudurkan ayaa si gaar ah u saameyay deegaan baarlamaneedka Tiaty .
Sarkaalka ugu sarreeya dowlad deegaankaasi ee adeegyada caafimaadka Mr. Gideon Toromo ayaa sheegay in la howlgeliyay khuburo caafimaad oo dheeraad ah si ay xaaladda ula tacalaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in baaritaano ay sameyeen warbixino hor dhac ah oo laga soo saaray ay muujinayaan in heerka cudurka duumada ee dowlad deegaankaasi uu hadda yahay boqolkiiba 53.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here