Tirada dadka ka caafimaadayso Corona Virus Kenya oo sii kordhaysa

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Talaadada maanta xaqiijisay 246 kiis oo cusub oo ‘Covid-19’, ah taas oo tirada guud ka dhigayso 32,803.
Xoghayaha Maamulka Caafimaadka Rashid Aman ayaa sheegay in kiisaska,maanta la helay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dhecaan dhan 4,149.
Dr Aman ayaa sheegay in 160 bukaan ay soo kabsadeen, taas oo tirada guud ee bogsashada ka dhigaysa 19,055.
Tirada dhimashada ‘Covid-19’ ayaa kor u kacday taas oo gaartay 559 kadib markii shan bukaan oo kale ay u dhinteen fayraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here