Tirada dadka ku dhintay galbeedka Pokot oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku dhintay ismaamulka galbeedka Pokot oo laba maalmood ka hor uu dhul go’o saameeyay.
Ilaa iyo hadda 52 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka barasaabka dowlad deegaankaasi Prof. John Lonyangapuo uu codsanaya in gurmadka bani’aadannimo la sii laba jibaaro.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee haysata inay tahay dhanka gaadiidka iyadoo buundooyin dhowr ah ay burbureen.
Waxaa uu intaasi ku daray in 22,000 qoysas ah oo ay ku nool yihiin 80,000 ilaa 120,000 oo qof ay barakaceen.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa lagu wada inuu maanta halkaasi tago balse jawiga cimillada oo aan wanaagsaneyn awgeed duulimaadkaas ma uunan suurtagalin.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay sameynayso wax walba oo awoodeeda ah si xaaladda taagan wax looga qabto.
Waxaa la soo helay meydadka ugu yaraan 25 qof halka kuwa kalena la raadinaya.
Dhul go’a ayaa ka dhashay roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay taasi oo saameyn ku yeelatay isku socodka bulshada iyo howlaha gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here