Tirada dadka ku dhintay qaraxii Kabul oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax saaka laga gaystay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 10 qof.
Dhanka kale kooxda ka dagaalanto Afghanistan ee Taaalibaan ayaa iska fogeysay inay weerarkaas fulisay.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa qoraal uu Twittarka soo dhigay ku sheegay in dagaalyahanada aynan qaraxa ka dambeyn.
Qaraxa ayaa yimid iyadoo la filayo in dowladda Afghanistan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Taalibaan ay wada -hadallo uga furmaan caasimadda Qatar ee Dhooxa.
Waxaa weerarka maanta ka badbaaday madaxweyne ku xigeenka Afghanistan Amrullah Saalex oo wararka qaar ay sheegayaan inay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Afghanistaan ayay xasilooni darro ka jirtay tan iyo sannadkii 2001-dii.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here