Tirada dadka u dhintay caabuqa Coronavirus oo sii korortay

Waxaa maalinba maalinka ka sii dambeeya sare u sii kacaysa tirada dhimasho ee la xiriirta firuusiga Coronavirus ee saameeyay dalka Shiinaha.
Guddiga qaran ee caafimaadka ee wadankaas ayaa sheegaya in la soo tabiyay 39 kiis oo dheeraad ah.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Shiinaha cudur sidaha Corona ugu dhintay 1,113 qof.
Tirada guud ee kiisaska laga soo tabiyay halkaas ayaa gaaraya 44,653.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay waddo dadaalo lagu xakameynaya inuu sii faafo firuusiga ka soo biloowday Shiinaha balse u gudbay ugu yaraan 25 wadan.
Agaasimaha guud ee WHO ,Tedros Adhanom ayaa sheegay in saameynta caabuqan ay noqon karto mid ka daran weerarrada argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here