Tirada dadka u soo ridanayo fayraska korona ee dalka Ruushka oo maalinkii afaraad korortay

Waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka Ruushka uu halelay fayraska korona in ka badan 10, 559 qof, waxayna tirada guud ka dhigaysa 165,929.
Waa maalinkii afaraad ee kiisaska dalkan ay ka sara mareen 10,000.
Wadankan ayaa sido kale xaqiijiyay dhimashada 86 qof taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigayso 1,537.
Dalkan ayaa ku jiray xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa tan iyo dhamaadkii bishii Maarso si loo xakameeyo faafitaanka fayraskan.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa amray in xayiraadaha ay socdaan ila iyo maalinka Isniinta.
Waxaa lagu wadaa in si tartiib ah dalkan uu u khafiifiyo xayiraadaha saaraan.
Caasimada Moscow ayaa waxaa laga xaqiijiyay kiisas dhan 85,973 iyo dhimashada 866 qof.
Dhanka kale guud ahaan caalamka waxaa la xaqiijiyay in ka badan 3,700,000 oo kiis.
Sido kale waxaa cudurkan u dhintay dad kor u dhaafaya 258,000.
Waxaa kasoo kabatay 1,241,908 qof.
Qaarada Africa waxaa jiro kiisas kor u dhaafaya 50,000 iyo dhimashada 1,917.
Waxaana ka bogsaday fayraskan qaarada ku dhawaad 17,000.
Dalka Spain waxaa la soo tabiyay dhimashada 244 qof waana tiridii ugu badneyd muddo saddex maalin ah oo ay tiradu sii yaraaneysay.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 25,817 qof ay ila iyo hadda ugu dhinteen fayraska dalkaasi Spain.
Wadanka Philippines waxay kiisasku kor u dhaafeen 10,000 sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka iyo dhimashada oo ah 658.
Magaalada Wuhan oo ah halkii uu kasoo bilawday fayraaska waxaa dib loo furay in ka badan 120 iskuul kadib markii ay albaabada u laabnaayeen muddo saddex bilood ah.
Jarmalka waxaa lasoo tabiyay kiisas cusub oo dhan 947 waxayna tirada guud ee kiisaska hadda tahay 164,807.
Sido kale waxaa jiraa dhimashada 165 waxayna dhimashada guud hada tahay 6,996.
Dowladda Indonesia ayaa dib u dhigtay doorashada gobollada oo lagu waday in la qabto bisha sagalaad ee sannadkan waxayna qabsoomi doontaa bisha 12-aad ee Diseembar.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday dikreeto uu soo saaray madaxweynaha wadankaas Joko Widodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here