Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Coronavirus oo sii kordhaysa

Waxaa sii kordhaysa tirada dadka uu soo ridanayo COVID-19 guud ahaan caalamka.
Tirada dadka uu ku dhacay cudurkan guud ahaan caalamka ayaa ah ku dhawaad hal milyan.
Dalka Ruushka ayaa xaqiijiyay tiradii ugu badneeyd ee maalinla ah ee uu ku dhacay cudurka Coronavirus taas oo dhan 771.
Tirada guud ee dalkaasi ayay tani ka dhigaysa 3,548 oo kiis iyo dhimashada 30 qof.
Mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay inuu jiro jahawareer baahsan oo ka dhex jirta dowladda oo ah in wadanku aanu wali tijaabin dad badan.
Dalka Spain ayaa waxaa shaqadoodu waayay dad gaaraya 900,000 tan iyo bartamihii bishii Maarso.
Thailand ayaa xaqiijisay kiisas cusub oo gaaraya 104, halka ay tirada guud ka dhigeeysa 1,875.
Sido kale 3 dhimasho oo cusub ayaa laga xaqiijiyay dalkaasi waxayna tirada guud noqonaysa 15.
Shiinaha wuxuu soo tabiyay 6 dhimasho ah iyo 35 kiisas ah oo cusub balse aan ahayn dalka gudihiisa.
Iiraan tirada dhimashada waxay kor u dhaaftay 3,160 qof iyo kiisas dhan 50,468.
Dalka Belgium tirada bukaanada uu galaaftay nolashoodu COVID-19 ayaa gaartay 1,000 qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Dhakhaatiirta dalka Ugandha ayaa sheegaya in xiritaanka ama xayiraada dhanka dhaqdhaqaaqa uu sababi karo dhimasho badan qaasatan hooyooyinka uurka leh.
Dhanka kale, safiirka dalka Filibiin u fadhida Lebanon, Bernardita Catalla ayaa u geeriyootay xanuunka COVID-19.
Madaxweynaha Filibiin , Rodrigo Duterte ayaa u sheegay ciidamada amniga inay toogtaan qof kasta oo dhibaato ku keenaya goobaha cudurka faafa ee coronavirus awgii loo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here