Tirada dadka uu soo ridanayo fayraska korona oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka uu soo ridanayo fayraska korona guud ahaan caalamka.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ka badan 4,100,000 oo kiis caalamka.
Dhimashadu waxaa ay dhantahay 284,000, waxana kasoo kabsaday cudurka 1.5 milyan oo qof.
Dalka Filibiin waxaa ay wasaaradda caafimaadka sheegtay in kiisaska guud ay gaareen 11,086 halka dhimashadu ay dhantahay 726.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Faransiiska Olivier Veran ayaa ka digay in dalkaasi dib loogu soo celin dona xayiraadihii laga khafiifiyay haddii tirada kiisasku ay sare u kacaan.
Dalkan ayaa 17-kii bishii Maarso waxaa lagusoo rogay xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah kaas oo soconayay muddo 8 isbuuc ah waxaana hadda laga dabciyay xayiraadahaasi.
Dukaamada aan daruuriga aheyn ayaa dib loogu noqon doonaa shaqada illaa bisha Juun marka ugu horeysa halka waaxyaha kale aysan ku noqon doonin shaqadooda illaa Luulyo marka ugu horreysa, sida uu sheegay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee UK Dominic Raab.
Dawladda India ayaa khafiifinaysaa xayiraadihii saarnaa shacabkeeda waxaana lagu wadaa in laga bilaabo Talaadada si tartib ah dib loogu soo celiyo hawl galka tareenada.
Dalkan ayaa waxaa xayiraad la saaray muddo 6 toddobaad ah.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa saddex jibbaari doonta qiimaheeda canshuur kordhinta ee (VAT) waxayna joojineysaa lacagaha ay siiso bil kasta muwaadiniinta iyada oo uu hoos u dhacay qiimaha saliida iyo hoos u dhac dhaqaale oo uu sawabay COVID-19.
Dalka Pakistan waxaa la dabciyay xayiraadihii saarnaa wadanka waxaana hadda dib loo furaya suuqyada iyo dukaamada.
Dalkan ayaa diiwaan geliyay 30,000 oo kiis iyo dhimashada 667.
New Zealand ayaa oggolaan doontaa inay furnaadan maqaayadaha, kafateeriyada, shaleemooyinka, iyo xarumaha wax laga iibsado sidoo kale in loo safri karo gudaha dalka laga bilaabo khamiista maaddaama ay fududeyneyso inta badan xayiraadaha la saaray kuwaas oo lagu xakameenayay faafitaanka coronavirus.
Tunisia ayaa waxaa aan lagasoo tabinin wax kiis ah tan iyo bishii Maarso, waxaana dalkan laga xaqiijiyay kiisas dhan 1,032 iyo dhimashada 45 qof.
Qaaradda Afrika ayaa waxaa uu cudurkan ku dhacay 65,200 oo qof waxaana u dhintay 2,300 halka ay ka bogsadeen 22,790.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here