Tirada dadkii ku dhintay dhulgariir saameeyay Pakistan oo sare u kacday

Waxaa sare u sii kacday tirada dadkii ku dhintay dhulgariir cabirkiisu ahaa 5.8 oo ku dhuftay gobolka Kashmir oo ay qeyb ka maamusho dowladda Pakistan iyo degaanno ka tirsan gobolka Punjab.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in dhacdadaasi ay ku nafwayeen ugu yaraan 24 qof.
Sarakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 450 qof oo dheeraad ah uu dhulgariirkaasi dhaawac ka soo gaaray.
Waxaa hadda weli socdo howlaha samata bixinta ee loogu gurmanayo dadka ku nool gobolka iyo deegaanada musiibadaasi laga soo tabiyay.
Madaxa saadaasha hawada ee dalka Pakistan Maxamad Riaz ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in “dhibaatada ugu xun” ay ka dhacday magaalada Mirpur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here