Tirada dadkii ku dhintay shilkii Tanzania oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadkii ku dhintay shilkii horraantii bishan laga soo tabiyay dalka Tanzania iyadoo ilaa iyo hadda gaartay 95 qof.
Shillkaasi ayaa yimid kaddib markii booyad shidaal ay ku qaraxday magaalada Morogoro oo masaafo dhan 200 oo kiilomitir dhanka galbeed kaga began magaalada Dar es Salaam.
Afhayeenka isbitaalka qaran ee Dar es salaam Aminiel Aligaesha, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tirada dhimasho ee sii badatay kaddib markii dhaawac isbitaalka ku jiray ay geeriyoodeen.
Bishii hore ayay ahayd markii 45 qof ay ku dhinteen bartmaha dalka Nigeria halka in ka badan 100 kalena ay dhaawacmeen kaddib markii uu shil galay kaddibna dab ka kacay mid ka mid ah baabuurta shidaalka.
Waxaa ka sii horreeysay dhacdo tani la mid ah oo bishii shanaad laga soo tabiyay dalka Niger halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here