Tirada dadkii ku dhintay weeraradii Afghanistan oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadkii ku dhintay laba weerar oo shalay kooxda Taalibaan ay sheegtay inay ka gaysatay gudaha wadanka Afghanistan.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 48 qof ayaa la xaqiijiyay inay falalkaasi ku dhinteen halka tiro kale oo dhowr ahna ay dhaawacmeen.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa lala beegsaday isku soo bax siyaasadeed oo uu gobolka ku yaalla bartamaha dalkaasi ee Parwan gaar ahaan magaalada Charikar, ku qabanayay madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani in kastoo uu ka badbaaday.
Afhayeenka ololaha doorasho ee madaxweyne Ghani ,Xamiid Caziiz, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in Mr. Ghani uu goobta ku sugnaa markii uu qaraxa dhacayay balse uu badqabo.
Waxaa qaraxaasi fuliyay qof isa soo miidaamiyay oo mooto saarnaa waxaa uuna la eegtay iridda laga soo galo goobtii uu ka socday ololaha siyaasadeed .
Waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan 26 qof iyadoo in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen.
Nasrat Rahimi, afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay in 4 ka mid ah 26-ka qof ay ahayeen ciidamo milatari.
Madaxa isbitaalka gobolka Parwan ,Cabdul Qaasim Sangin, ayaa laga soo xigtay in dadka qaraxaasi lagu dilay ay carruur ku jiraan oo laga cabsi qabo in tirada dhimasho ay sare u sii kacdo.

Wax yar ka dib qarax kale ayaa ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kabul, meel u dhow safaaradda Maraykanka, wasaaradda difaaca ee dalkaasi iyo xarunta gaashaanbuurta NATO wuxuuna galaaftay nolosha 22 qof.
Gudaha Afghanistan ayay qaraxyo dhowr ah ka dhaceen iyadoo dalkaasi uu isku diyaarinayo in dabayaaqada sannadkan ay doorasho madaxtinimo ka dhaco.
Kooxda Taliban ayaa soo saartay digniin ah in ay sii xoojin doonaan bartilmaamedsiga dowladda iyo ciidamada shisheeye si ay codbixiyaasha uga hor istaagaan inay ka qeyb galaan doorashada la qorsheeyay inay qabsoonto 28-ka bishan sagalaad ee Septembar.
Dowladda Afghanistan ayaa dhankeeda sheegtay in doorashada ay dhici doonto xilligii loogu talagalay iyadoo ammaanka goobaha codbixinta ay sugayaan in ka badan 70,000 oo saraakiil ah.
Madaxweynaha Afganistan Ashraf Ghani ayaa olole siyaasadeed ugu jiro sidii mar kale uu 5 sano oo dheeraad ah wadankaasi uu u hoggaamin lahaa.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka , Donald Trump uu si lama filaan ah u soo afjaray wadahadalo ka dhexeyay xukuumadda Washington iyo Kooxda Taalibaan.
Kulamadaasi ayaa looga gol lahaa in lagu soo afjaro colaadda Afghanistan ragaadisay 18 sano.
Labada dhinac ayaa lagu waday inay ku heshiiyaan sidii Maraykanka uu ciidamadiisa uga saari lahaa dalkaasi dhanka kalena Taalibaan ay ku joojin lahayd weerarada.
Hasa ahaate Trump ayaa qaatay go’aan degdeg ah isagoo xusay inaan lala xaajoon Karin koox weli ku howlan fulinta qaraxyada dhanka kalena qeyb ka ah wada hadalo nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here