Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Nigeria oo sare u sii kacday

Waxaa sare u sii kacday tirada dadkii ku dhintay weerarkii laga gaystay waqooyi bari Nigeria taasi oo ilaa iyo hadda gaartay 65 qof.
Kooxda Boko Xaraam ayaa weerarka fulisay xilli munaasabad aas ah lagu qabanayay tuulo u dhow magaalada Maiduguri.
Sarkaal ka tirsan dowladda Nigeria laguna magacaabo Maxamad Bulama ayaa laga soo xigtay in dhimashadu ay tahay 65 halka dhaawaca uu marayo 10 qof.
Mr. Bulama ayaa xusay inay rumeysanyihiin in Boko Xaraam ay weerarkan gaystay iyagoo ka aargoosanaya fal laba toddobaad ka hor looga dilay 11 xubnood.
Bishii sagalaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii 8 qof lagu dilay aaggaasi halka xoolana la dhacay.
Boko Xaraam ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay weerar ka wadday waqooyi bari Nigeria waxayna dileen 27,000 qof halka in ka badan 2 milyan oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here