Tirada dhimashada fayraska korona ee dalka Ingriiska oo korortay

In ka badan 30,000 oo qof ayaa dalka UK ugu dhintay fayraska korona waa nah tirade dhimashada ugu badan ee laga diiwaan galiyo qaaradda Yurub.
Xafiiska tirakoobka qaran ayaa sheegay in intii ku joogtay 24-kii bishii hore Ingriiska iyo Wales ay cudurka ugu dhinteen 29,648 qof.
Balse marka lagu darro Scotland waxay tirada kor u dhaafaysaa 30,000 waxayna ka badantahay mida laga diiwaan galiyay Taliyaaniga.
Dalka Ruushka waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay cudurka coronavirus laga helay 10,102 qof waxayna tan ka hooseysa kiisaskii lasoo sheegay maalintii ka horreeysay oo ahayd 10, 581.
Tirada guud ee Ruushka waxay hadda tahay 155,370.
Sido kale waxaa la xaqiijiyay dhimashada 93 qof taas oo cadadka guud ka dhigeeysa 1,451.
Philippines waxay wasaaradda caafimaadka sheegtay 14 dhimasho ah iyo 199 kiis oo cusub.
Wasaaradda ayaa sido kale sheegtay in tirada guud ee dadka ugu dhintay cudurkan dalkaasi ay tahay 637 waxayna kiisaska gaareen 9,684.
Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in maalinkii labaad oo xiriir ah aynan diiwaangelin kiis cusub oo ah coronavirus.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday ra’iisul wasaare Jacinda Ardern oo guddoomisay shirka golaha wasiirrada.

Guud ahaan caalamka waxuu cudurkan soo ritay dad gaaraya 3.5 milyan oo qof waxaana u dhintay 251,718 qof.
Fayraskan ayaa waxaa sido kale ka caafimaday in ka badan 1.2 milyan oo qof.
Dhanka kale rai’isul wasaaraha Australia Scott Morison ayaa sheegay in cudurka coronavirus uu ka dilaacay suuq lagu iibiyo hilibka xayaawanka duur joogta ah oo ku yaala dalka Shiinaha.
Hoggaamiyaasha caalamka iyo ururada ayaa balan qaaday inay qoondeyn doonaan 8 bilyan oo doolar taas oo lagu raadin doona dawada fayraskan.
Mareykanka ayaa diiday in uu ka qeeyb qaato dadaalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here