Tirada dhimashada ka dhalatay rabshadaha Ciraaq oo sare u kacday

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimasho ee ka dhalatay dibadbaxyada rabshadeysan ee ka dhacay wadanka Ciraaq taasi oo ilaa iyo hadda gaartay 46 qof.
Dadkan badankoodu ayaa la dilay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.
Madaxa ugu sarreeya ee dalkaasi Ayatollah Ali al-Sistani ayaa dhibaatada jirta ku eedeyay siyaasiyiinta.
Waxaa uu saraakiisha ammaanka ugu baaqay inaynan awood adeegsan isagoo ku taliyay in la xalliyo waxyaabaha dadweynaha ay ka cabanayaan ee kala ah shaqa la’aanta iyo musuqmaasuqa dowladda dalkaasi hareeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here