Tirada dhimasho ee duufaanta Filibiin oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay duufaanta Kammuri taasoo ku dhufatay gobollada ku yaalla dhanka koonfureed ee dalka Filibiin.
Maamullada qaabilsan la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ayaa laga soo xigtay in 10 qof ay dhinteen.
Duufaantan ayaa ah midii 20-aad ee sannadkan gudigiisa saameysay wadankaasi.
5 qof ayaa ku dhintay gobolka bari ee Bicol waxaana ka mid ahaa saddex ay biyuhu qaadeen halka dhimashada 5 kalena laga soo tabiyay koonfurta caasimadda dalkaas ee Manila.
Afhayeenka waaxda maareynta musiibooyinka ee Filibiin, Mark Timbal ayaa warbaahinta u sheegay in 345,000 oo qof oo la soo daadgureeyay ay xerooyin loogu tala galay ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here