Tirada Kenyaanka ee sannadkan ku dhintay shilalka waddooyinka oo korortay

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in sannadkan gudihiisa shilal ka dhacay gudaha dalka ay galaafteen tiro Kenyaan ah oo ka badan middii la diiwaangeliyay sannadkii hore.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale horraantii sannadkan dowladda dhexe ay soo saartay shuruuc adag oo lagu xakameynayo dhacdooyinkan.
Siddeedii bilood ee la soo dhaafay 2,326 oo qof ayaa shil ku dhintay halka 2018-kii tiradan lagu sheegay 2,021.
Dadka u badan ee ay shilalku noloshoodu galaaftaan ayaa ah kuwa socdo hareeraha waddooyinka ama gudbaya waxaana sannadkan dhintay 904 oo dadkaasi ka mid ah halka sannad ka hor tiradaasi ay ahayd 768 qof.
Sido kale waxaa korortay tirada wadayaasha baabuurta ee shil ku dhintay waxayna gaarayaan 214 halka sannadkii hore ay noqdeen 204 .
Dhanka rakaabka marka aan eegno, NTSA ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sannadkan gudihiisa 475 oo rakaab ah ay shilal ku dhinteen iyadoo sannadkii hore tiradan ay gaartay 472 qof.
Sido kale wadayaasha mootooyinka ee 2019-ka shilal ku dhintay ayaa tiro ahaan gaaraya 459 halka 2018-kii la diiwaangeliyay 365 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here