Tirada kiisaska fayraska korona ee Ruushka oo gaaray in ka badan 250,000

Tirada kiisaska fayraska korona ee dalka Ruushka ayaa ka sare maray 250,000, balse waxaa hoos u dhacday tirada maalin laha ah markii ugu horreesay muddo labo isbuuc ah.
24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa dalkan waxaa uu xaqiijiyay kiisas dhan 9,974 waana tiradii ugu hooseesay tan iyo 2-dii bishan May, waxayna tirada guud dalkaas hadda gaartay 252,245.
Xaruunta dhexe ee ka hortaga fayraska wadankaas ayaa sheegtay in 93 qof ay u dhinteen cudurka COVID-19 ayna tirada guud hadda tahay 2,305.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in fayraska korona uu dad badan ku reebi doono saameeyn maskaxeed, waxaana sabab looga dhigay kala fogaanshaha badan, dhimashada xubnaha qooyska iyo shaqa la’aanta baahsan ee uu sababay cudurka.
Dalka Finland waxaa dib loo furay iskuulada kadib muddo 8 isbuuc ah oo uu dalkaasi ku jiray xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah, waxayna ururada waxbarashada ka digayaan badqabka barayaasha iyo ardaayda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Burundi ayaa sheegtay in sarkaalka ugu sareeya ee hay’aada caafimaadka adduunka WHO u joogay halkaasi laga ceyriyay dalka asaga iyo saddex khubaro oo dhanka caafimaadka ah.
Wasaaradda ma aysan sheegin sababta ay go’aankan u gaartay.
Qaramada Midoobay ayaa saadaalineysa in fayraska korona uu dhaqaalaha dunida hoos u ridayo boqolkiiba 3.2 waana markii ugu horreesay tan iyo 1930-meeyadii, wuxuuna sababi doona faqri saameeya dad gaaraya 34.3 milyan badankooduna kasoo jeeda qaaradda Afrika.
Mexico waxaa la xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 1,862 iyo dhimashada 294 oo qof.
Dalkan oo uu hadda ku sii fidayo fayraska korona ayaa waxaa uu ku dhacay dad gaarayo 40,186 waxaana u dhintay 4,220 oo qof.
Shiinaha ayaa xaqiijiyay 3 kiis oo cusub oo la xiriira cudurka COVID-19 waxayna tiradan ka hooseeysaa middii la diiwaan geliyay maalin ka hor oo ahayd 7.
Guud ahaan caalamka waxuu COVID-19 haleelay in ka badan 4,444,000 oo qof, waxaa u dhintay 298,00 halka ay ka bogsadeen 1,668,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here