Tirada Talyaaniga ugu dhimatay coronavirus oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee gudaha wadanka Talyaaniga ugu dhimatay caabuqa Coronavirus ee ka soo billlowday Shiinaha.
Ilaa iyo hadda waxaa halkaas laga diiwaangeliyay dhimasho dhan 366 kaddib markii galinkii dambe ee shalay la shaaciyay in 133 qof oo dheeraad ah ay geeriyoodeen.
In ka badan 7,000 oo qof oo ku nool Talyaaniga ayaa la xaqiijiyay inay qabaan firuusiga Coronavirus.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda dalkaas ay sheegtay inay karantiilayso 16 milyan oo qof kuwaasoo ku nool gobolka waqooyi ee Lombardy iyo deegaano kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here