Tirada xaaladaha COVID-19 ee dhulalka Falastiin oo korortay

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa shaacisay in tirada xaaladaha Korona ama COVID-19 ee bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo marinka Ghaza ay gaartay 13,457.

“Heerka isku gudbinta cudurka ee Daanta Galbeed ayaa gaartay 1.58, taasoo ka dhigan in labadii qofood ee qabta feyraska ay u gudbinayaan saddex ruux oo kale” sida ay xustay Xarunta Daraasaatka Cudurrada Faafa ee MRC ee London.

Maamulayaasha Falastiiniyiinta ayaa la tacaalaya sidii ay u xakameyn lahaayeen faafidda feyraska, waxa ayna dib-u-soo rogeen bandowgii kal hore la khafiifiyay kadib markii ay keysaska kordheen

Si kastaba ha ahaate, u hoggaansanaanta tilmaamaha kala fogeynta bulshada ayaa wali ku baahsan guud ahaan Daanta Galbeed, halka xakamayn la’aanta xuduudaha iyo dhaqdhaqaaqa dadku ay kor u qaadeen dhibaatooyinka ay la kulmayaan maamulka deggan magaalada Ramallah.

Feyraska faafaya ee Korona ayaa si daran u saameeyay dhaqaalaha, iyadoo ay wasaaradda maaliyadda sheegtay in burburka dhaqaalaha uu gaaray saddex bilyan oo dollar.

Tirada dadka u dhintay COVID -19, ayaa ku dhow 100 qofood, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here