Tirada xujeyda sannadkan oo hooseysa

Gudashada acmaasha xajka ee sanadlaha ah ayaa sannadkan ku soo beegantay xili uu dunida ka jiro cudurka sii faafaya ee COVID19.
Xajka waxuu ka mid yahay shanta tiir ee islamka waxaana sannadkan jiro isbeddel cusub maadaama la raacaya talooyin lagu xakameynaya faafitaanka coronavirus.
Ilaa 10,000 qof oo ah kuwa hore u dagaana boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa gudanaya acmasha xajka oo sannadkii hore ay ka qayb qaateen 2.5 miyan .
Khalid bin Qarar Al-Xarbi, oo ah agaasimaha amniga guud ee Sucuudiga ayaa sheegay inuusan jirin wax walaac ah oo la xiriira amniga waxaana aad looga feejigan yahay halista cudurka.
Xujeeyda aya laga doonaya Xiliga lagu guda jiro gudashada xajka in ay ku dadaalan xirashada afdubka wajiga iyo kala foogaanta mudada acmashan la sameeynayo guud ahaan magaalada Makah ,aagaagarkeeda iyo galbeedka Sacuudi Carabiya
Xujeyda aya si lamid waxey marayaan baaritaano la xiriira heerkulka jirka iyo waxyaabaha kale ee cudurka looga hortaago.
Sido kale waxaa jiro diyar garoow ballaran oo dhan walbo ah maadaama cudurka COVID19 u jiro xujeyda ayaa xiliyada saladaha waxa lagu boorinaya in ay kala foogadaan oo la dhaqangaliyo cabirka ah 1.5 miitir oo u dhexeya labada qof ee isugu dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here