Tirada dadkii ku dhintay mudaaharadyada ka socda dalka Ciraaq oo sare u kacday

Waxaa sare u kacday tirada dadkii ku dhintay banaanbaxyada ka dhacay dalka Ciraaq.
Tirada dhimashada ayaa hadda lagu soo waramaya inay gaartay ila iyo 20 qof halka dhaawacana uu sare u kacay.
Dhinaca kale Caasimadda wadanka Ciraaq ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dhanka koonfureed ayaa bandow lagu soo rogay.
Tallaabadan ayay ciidamada ammaanka qaadeen kaddib laba maalmood oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.
Saaka ayay ahayd markii booliska ka hor taga dibadbaxyada ay kala eryeen boqolaal qof oo isugu soo baxay beerta Tahrir Square ee ku taalla bartamaha Baghdad .
Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa muujinaya sida ay uga xunyihiin shaqa la’aanta Ciraaq ka jirta , biyo yari , adeegga korontada oo aan la isku haleeyn Karin iyo musuqmaasuq saameeyay waaxyaha dowladda.
Bangiga adduunka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in heerka shaqa la’aanta ee dalka Ciraaq uu yahay boqolkiiba 25.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here