Tiradii ugu badneyd ee Corona Virus oo Kenya maanta laga diiwangaliyay

1,068 xaalaadood oo ah Covid-19 ayaa maanta laga diiwaan geliyay dalkani Kenya, kiisaska guud ayaa hadda gaaray 47,212.
12 bukaan ayaa u geeriyooday xanuunka dhimashada guud 870 halka 290 qof ay ka bogsadeen 33,050 qof ayaa xanuunkan dalka ka caafimaaday.
Ismaamulka Nairobi ayaa laga xaqiijiyay tirada ugu badan taas oo ah 305 kiis, Nakuru 137, Mombasa 74, Kisumu 60, Kericho 58 iyo Nandi 48.
Ismaamulada kale ee laga xaqiijiyay kiisaska ayaa waxaa ka mid ah Uasin Gishu (48), Kakamega (47), Kilifi (34), Kisii (28) Laikipia (26), Turkana 22 iyo Meru (20).
Kajiado iyo Kiambu ayaa laga helay min 18 kiis halka Garissa laga diiwaan geliyay 15 kiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here