Tirakoobka Bisha xigta oo hanaan casri ah loo samayn doono

Triakoobka sanadkan ee Kenyanka oo la qaban doono bisha xigta ayaa waxa uu noqonaya mid loo adeegsado tiknolajiyada casriga ah,Waana kii ugu horeeyay ee hannankan loo adeegsado iyada oo dowlada ay adeegsaneyso tiknolajiyada si ay u hesho dhamaan tirade Kenyanka.
Sida uu sheegayo aggasimaha Guud ee Shirkada dowlada u qaabilsan tirakoobka KNBS Zachary Mwangi, diiwan galinta xogta ayaa la samayn doono iyada oo la adegsanayo telefano lagu rakibi doono jaamcadaha Moi iyo JKUAT.
Zachary ayaa manta saxaafada kula hadlaye xaruunta shirarka caalmiga ee KICC si uu u faahfahiyo diyaargarowga tirakoobka sanadkan 2019-ka oo ay ku kaceyso lacag dhan 18.5 Bilyan oo shilinka dalka ah.
Iyada oo la adeegsanayo tiknolajiyada, soo gudbinta macluumadka ayaa noqon doonaan kuwa sax ah taasi oo la doonayo in looga hortago wakhtiga dheer ee lagu qaadanayo soo saarista natiijada.

Tababarka kormeerayasaha iyo saraakisha kale ee loo igmay howsha tirakoobka ayaa la tababari doona laga bilaabo 15-ka Bisha July. Halka tirakoobkana la qaban doono 24 ila 25-ta Agosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here