Tirakoobka Qaran ee Bisha Sideedaad oo lagu Maareyn Doono 18 Bilyan

Waaxda qaran ee qaabilsan   keydinta macluumaadka ee (KNBS) ayaa  sheegtay  in inta u dhexeysa   24-ka ilaa 31-da bisha sideedaad ee sannadkan xilliyada habeenkii   guud ahaan wadanka laga  sameyn doono  tirakoob qaran.

Maareynta  barnaamijkan ayay  dowladda dhexe  ku qarash galin doontaa  dhaqaale gaaraya  18.5 bilyan oo shilin.

Lacagtan ayaa   10 bilyan ka badan midii  la  isticmaalay sannadkii 2009-kii  oo ahayd  8.4 bilyan oo shilin.

Tirakoobkii   ugu dambeeyay  ee dalka  ka dhacay waxaa   la howlgeliyay 111,696 oo ah  saraakiisha dadweynaha xisaabinaya ,  22,323 kormeerayaal ah, 5,788  kormeerayaal sar sare ah  iyo   100,000 oo ahaa  odayaasha  tuulooyinka.

Waaxda  KNBS  ayaa sido kale sheegtay in  saraakiisha   shaqeyn doono  xilliga  tirakoobka qaran ee sannadkan  la  qori doono  laga billaabo maanta  ilaa 24-ka bishan lixaad.

Waxaa  la  howlgelinaya  in ka badan  164,000 oo kenyaan ah oo isugu jiro 135,000  xisaabiyaal ah  ,27,000  kormeerayaal  iyo 2,700  oo ah  khuburo  takhasus  gaar ah u leh   arrimaha  teknoolojiyadda.

Arrimahan ayaa waxaa   shaaca ka qaaday  agaasimaha  guud ee waaxda dowladda dhexe u qaabilsan aruurinta  iyo keydinta macluumaadka  Zachary Mwangi ..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here