Tirakoobka qaran oo berri la soo gabagabeynayo

Waxaa uu qorshuhu yahay in berri oo sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 31-da bishan la soo gabagabeeyo tirakoob qaran oo dalka ka socday tan iyo sabtidii hore.
Waaxda qaran ee qaabilsan keydinta macluumaadka iyo tirooyinka ee KNBS ayaa weli shacabka ugu baaqaysa inay ka faaiidaystaan labada maalmood ee hartay si ay isku diiwaangeliyaan.
Sido kale qof waliba oo Kenyaan ah oo aan weli la xisaabin ayaa lagu booriyay inuusan walaac muujin maadaama mid kasta oo ka mid ah saraakiisha dadweynaha tirinaya uu maalinkiiba tagaya 100 guri.
KNBS ayaa shacabka ku xaqiijisay in barnaamijkan oo tobankii sano hal mar ah la qabto lagu soo gabagabeynayo mudadii loogu talagalay oo ah 7 maalmood.
Waaxdan ayaa sido kale sheegtay in xarunta rasmiga ah ee lagala xariiri karo maamulayaasha tirakoobka qaran ay furantay 24-ka saacadood iyadoo qofkii cawimaad u baahan ama doonaya inuu gudbiyo cabasho jirto uu si lacag la’aan ah wici karo taleefoonka nambarkiisu yahay 0800-221-020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here