Tirakoobka qaran oo la soo gabagabeeyay

Waxaa saqdii dhexe ee xalay la soo afjaray tirakoob qaran oo muddo toddobo maalmood ah ka socday guud ahaan dalka.
Shalay ayay ahayd markii dowladda dhexe ay ku adkeysatay inaan mudadii horay loo qorsheeyay la kordhin doonin in kastoo ay jireen cabashooyin ka soo yeerayay shacabka ismaamulada Mandera iyo Isiolo.
Tirakoobkan ayaa tobankii sano hal mar ah la qabtaa waxaa uuna markii ugu dambeysay wadanka ka dhacay 2009-kii.
Waxaa lagu aruuriyaa macluumaadka shacabka si tani ay kaalin uga qaadato qorsheynta iyo qoondeynta dhaqaalaha wadanka soo galo ee deegaanada kala duwan loo qeybiyo.
Xoghayaha guud ee waaxda qorsheynta ee dalka Saitoti Torome ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay tirakoobka qaran uu si habsami leh u socday oo aan la soo tabin dhacdooyin waaweyn oo hakad geliyay.
Waaxda qaran ee keydinta macluumaadka iyo tirooyinka ee KNBS ayaa qofkii aan weli la xisaabin ku wargelisay inuu waco nambarka ah 0800221020 oo wax qarash ah uunan kaaga baxeynin.
Waxaad sido kale la xariiri kartaa guddoomiye xaafadeedkaaga ama jiifka si uu ugu wargeliyo saraakiisha howshan loo xilsaaray oo gurigaaga kuugu imaanaya.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay inaynan sido kale tirin nambarka saraakiisha tirakoobka sameynaya kaddib markii ay xubnaha qoyska xisaabiyaan ay ku dhigaan iridda ama meel kale oo la arki karo.
Tirakoobkan ayaa ku soo aaday iyadoo qaar ka mid ah bulshada xoola dhaqatada ah gaar ahaan kuwa waqooyi bari , abaar saameysay awgeed ay xoolahooda daaq iyo biyo ugu raadsadeen dhanka wadamada Kenya dariska la ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here