Tiro kooban oo lagu casuumi doona maalinka qaran ee halyeeyada ee toddobaadka dambe

Kaliya 3,000 qof ayaa lagu casuumi doonaa dabbaaldegga maalinka qaran ee halyeeyada dalka ee ku beegan maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe taarikhduna tahay 20-ka bishaan.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in go’aankan looga gol leeyahay si looga hortaga faafitaanka cudurka COVID-19.
Xuska maalinkan ee loo yaqaano Mashujaa Day ayaa waxaa sannadkan lagu qabanayaa ismaamulka Kisii.
Garoonka lagu qaban doono ayaa qaado ilaa 25 kun qof balse iyadoo la raacaya tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee dalka si la isugu gudbin cudurka Coronavirus ayaa tiradan la dhimay.
Ismaamulka Kisii ayaa waxaa sannadkan fursad loo siiyay inuu martigeliyo dabbaaldegga maalinkan kaddib markii madaxweynaha dalka uu soo saaray sannadkii 2015-kii amar ah in labo ka mid ah saddexda maalmood ee qaran ee looga dabbaaldegga dalka lagu qabanayo meel ka baxsan caasimadda dalka ee Nairobi si kor loogu qaado wadajirka iyo isdhexgalka qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here