Tony Blair oo ka dayriyay xaaladda Britain

Ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska Tony Blair ayaa maanta oo isniin ah sheegay in boqortooyadaasi aynan xaalad wanaagsan ku jirin.
Waxaa uu xusay in xisbigiisa Labour iyo midka Conservative ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Boris Johnson sida uu hadalka u dhigay aynan u qalmin inay ku guulaystaan doorashada la filayo inay dhacdo 12-ka bisha Disembar ee sannadkan.
Blair ayaa Britain ra’iisul wasaare ka ahaa intii u dhexeysay sanadihii 1997 iyo 2007.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sanado badan dhaqaale ingiriiska uu wanaagsanaa balse haddii aan wax laga qaban uu culeys dheeraad ah soo foodsaari karo.
Waxaa uu marar badan ku celceliyay in dib looga noqdo geedi socodka loogu magacdaray Brexit ee ay Britain isaga baxayso midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here